Advertisements
Wararka

Xulka Qaranka Netherlands ee kubada cagta Haweenka oo u soo baxay finalka koobka adduunka…


Xulka Qaranka Netherlands ee kubada cagta ee Haweenka oo soo gaaray markoodii ugu horeysay finalka koobka adduunka kadib markii ay 1-0 uga badiyeen Qaranka Haweenka ee Sweden.

Gabadha khadka dhexe uga ciyaarta Manchester United Jackie Groenen ayaa dhalisay gool kadib markii ciyaarta lagu kordhiyey waqti dheeraad ah.

Kooxda Holland ayaa fooda is dari doona kooxda USA oo horey u soo reebtay kooxda England maalinta Axada magaalada Lyon ee dalka France.

Garoonka weyn ee Lyon ayaa soo xaadiray 48,452 taageere, ciyaartii dhex martay Netherlands iyo Sweden, dadka ayaa ku fekerayey in la aadi doono gool ku laad inta aanu dhalan goolka. Sweden ayaa ku han weyneyd in ay gaarto finalka markoodii labaad.

Goolhayihii hore ee Arsenal Sari van Veenandaal ayaa kooxda Holland ka badbaadisay ugu yaraan seddax jeer oo darbooyin gool loo filan karay.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6919 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: