Advertisements
Wararka

Khumeyni oo u sheegay Sacuudiga in ay waajib ku tahay sugida ammaanka xujeyda…


Hogaamiyaha ruuxiga ah ee dalka Iiraan Ayatulaahi cali Khumeyni ayaa sheegay in Sacuudiga ay waajib ku tahay in uu sugo amniga dadka muslimiinta ah ee gudanaya sanadkaan waajibaadka Xajjka.

Mr Khumeynii oo la hadlayay Arbacadii shalay saraakiisha u xil saaran howlaha xajka dalka Iiraan ayaa sheegay in xukuumada Riyadh ay ilaaliso amniga xujeyda si looga hortago dhibaato kasta oo ka dhan Ah.

Labada dal ayaa tan iyo sanadkii 2017-dii ka hadlayay arrimo la xiriira Xajka taasi oo aheyd sheyga kaliya oo ay ka wada hadlaan, waxaana ay isla garteen in la kala saaro acmaasha diiniga ah iyo Siyaasada.

Bishii Septemper ee sanadkii 2015-kii ayey aheyd markii 770 xujey ah ay ku dhinteen magaalada Mina oo u dhow magaalada Makkah.

Inkastoo Iiraan ay sheegtay in dhimashada ay intaa ka badneyd ayaa hadana dowlada Sacuudiga ay diiday in warbixin kale oo la xiriirta shilkaan ay soo Saarto.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6919 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: