Wararka

Markab shidaal oo ay leedahay Iran oo u socday Syria oo lagu qabtay xeebta Gibraltar…


Ciidanka Ilaalada bada ee Britain ayaa ku qabtay xeebta Gibraltar markab shidaal oo laga leeyahay dalka Iiraan oo ku sii jeeday wadanka Suuriya.

Markabka Grace 1 ayaa xilli hore oo Khamiistii lagu qabtay aaga doomaha ay Isticmaalaan ee xeebaha UK una dhow xeebta koonfureed ee Spain.

Dowlada Iiraan ayaa u yeertay Safiirka Britian u fadhiya magaalada Tehran si wax looga weydiiyo talaabada sharci darada ah ee lagu qabtay Markabkaan.

Arintaan ayaa dhanka Iran waxaa xaqiijiyay afhayeenka wasaarada arimaha dibeda Iiraan Cabaas Musavi.

Talaabadaan ayaa khilaaf ka dhex abuuri karta wadamada reer Yurub iyo Iiraan.

Dowlada Mareykanka ayaa cunaqabateyn dhaqaale ku soo rogtay ganacsiga Iiraan inkasta oo aysan jirin heshiis ay wada gaareen dalalka Yurub oo ku aadan Arrintaan.

Midowga Yurub ayaa bilihii la soo dhaafay ku celcelinayay in uu sii wadayo wadashaqeynta kala dhaxeysa Tehran, walow Mareykanka ay cadaadis kala Kulmayeen.

Dowlada Spain ayaa dhankeeda sheegtay in Markabka shidaal ee Iiraan lagu qabtay codsi kaga yimid Mareykanka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8014 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: