Advertisements
Wararka

Dowlada Cuba oo dadaalo ku bixineysa sidii loo sii deyn lahaa labo dhakhtar oo al-Shabaab…


Dowladda Cuba ayaa ku jirta wada hadaalo ku aadan sidii lagu sii deyn lahaa dhakhaatiir u dhashay dalkaasi oo Shabaab ay ka soo afduubteen Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Wasiirka Caafimaadka dalka Cuba Jose Angel Portal, ayaa marka hore xaqiijiyay inay caafimaad qabaan labada dhakhtar oo u dhashay dalkaasi oo gacanta Shabaab ku jira.

Waxa uu sheegay Wasiirka Caafimaadka dalka Cuba dadaalo kasta oo ay ku sii deyn karaan labadaasi dhakhtar inay sameynayaan si loo badbaadiyo nolosha dhakhaatiirtaasi.

Dadaalada hadda socda ayaa wuxuu ku sheegay inay qayb ka tahay dowladda Kenya oo juhdi badan ku bixinaysa sidii loo sii dayn lahaa dhakhaatiirtaasi.

“Xukuumadda Cuba ma joojin doonto dadaalkeeda ku aadan sii deynta,”ayuu yiri Wasiirka.

Landy Rodriguez iyo Assel Herrera oo ah labo dhakhtar oo u dhashay dalka Cuba ayaa lagu heystaa Somalia, waxaana horay looga soo Afduubtay dalka Kenya oo ay ka waddeen howlo caafimaad.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6919 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: