Advertisements
Wararka

Iran oo ku hanjabtay haddii aan la sii deyn markabkooda ay qabsan doonaan maraakiibta UK…


Dowlada Iiraan ayaa canbaareysay talaabadii ciidanka ilaalada bada UK ay khamiistii ku qabteen markab shidaal oo marayay agagaarka xeebta Gibraltar oo u dhow xeebaha Koonfureed ee UK.

Sargaal sare oo ka tirsan wasaarada arimaha dibeda Iiraan ayaa wuxuu sheegay in aan la aqbali karin ficilkaan kadib kulan uu la qaatay safiirka UK u fadhiya magaalada caasimada ah ee Tehran.

War saxaafadeedka Iiraan ayaa sidoo kale lagu sheegay in Iiraan ay ka xun tahay Falkaan.

Wuxuu ku sheegay howlgalka lagu qabtay markabkaan ay ka danbeyso dowlada Mareykanka oo khilaaf uu kala dhaxeeyo dowlada Iiraan.

Dhanka kale sargaal sare oo ka tirsan ciidanka ilaalada kacaanka Iiraan oo lagu magacaabo Mohsen Rezai ayaa sheegay haddii aan la sii deyn markabka shidaal ay qabsan doonaan maraakiibta shidaalka ee dowlada UK.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6919 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: