Advertisements
Wararka

Wasiirka Arrimaha Dibada Somalia oo xerada Xalane kula kulmay Safiirada dalalka…


Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa kulan ay Albabada u xiran yihiin waxa uu xerada Xalane kula lahaa Safiirada dalalka Caalamka u fadhiya magaalada Muqdisho, isagoo kala hadlaya xaaladaha soo kordhay.

Sida wararku sheegayaan, kulanka oo ahaa mid aan caadi aheyn, waxaa xaadir ku ah inta badan dalalka Safiirada ku leh wadankan, iyadoo Wadamada aan Safaaradaha ku leheynna ay shirka uga qeyb galayaan Qunsulka Safaarada.

Marka uu shirka uu soo dhamaaday ayaa Wasiirka arrimaha dibadad Soomaaliya saxaafada u sharaxay waxyaabihii kasoo baxay kulanka uu la qaatay qaar kamid ah Safiirada wadamada Caalamka u jooga Soomaaliya.

Wasiir Cawad ayaa sheegay in dowadda Soomaaliya ay Somaliland u aaminsan tahay in ay ka mid ah tahay dhulka Soomaaliya, ayna jiri karin dowlad u sameyn karta Maqaamka dowladeed ee Soomaaliya oo kale.

Wasiirka ayaa tilmaamay in Somaliland hormarkeena ay jecel yihiin laakiin uusan waxba ka badali karin in ay tahay gobol ka mid ah Soomaaliya oo cidii dowlad u aqoonsataa in jabisay Qaranimadda Soomaaliya iyo Wadajirka Umadda Soomaaliyeed.

Mr Cawad ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan dowladu shisheeye oo ka shaqeynaya hagar daamo kuna xad gudbaya midnimada Soomaaliya, waxa uuna dowladahaasi uga digay in ay ka waantoobaan ficilada ay ku dhaqaaqayaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa Khamiistii waxa ay xiriirka u jartay Jamhuuriyadda Guinea ee dhacda Galbeedka Qaarada Afrika, taasoo si hab maamuuskeeda sareeya ay u soo dhaweysay wafdi uu hoggaaminayay madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6919 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: