Advertisements
Wararka

Doon kuwa samafalka ah oo muhaajiriin soo badbaadisay oo jebisay xannibaaddii Talyaaniga…


Doon kuwa samafalka ah oo 41 qof oo muhaarijiin ah soo badbaadisay ayaa jabisay xannibaaddii saarnayd dekedaha Talyaaniga., balse saacado kaddib markii ay doonidaasi timid cidna looma oggolaan in ay halkaas ka baxdo.

Shaqaalaha iyo rakaabkii saarnaa doonta lagu magacaabo Alex kama aanay dagin dusheeda, oo waxaaba waardiye ka hayey booliiska.

Waloow digniin la siiyey, haddana doontaasi waxay Sabtidii ku xiratay dekadda ayadoo ay dusheeda ka jiraan xaalado caafimaad xumo oo aad u liita.

Matteo Salvini, oo ah wasiirka arrimaha gudaha ee Talyaaniga ayaa wacad ku maray in dooni muhaajiriin sidda aanay ku soo xiran Karin dekedaha Talyaaniga.

Sannadkii hore, ayuu dekedaha Talyaaniga ka xiray maraakiibta soo badbaadiya muhaajiriinta, Talyaaniga ayaana ganaax ku soo rogay cid kasta oo soo gasha biyaha Talyaaniga ayadoon amar ka haysan dalkaas.

Doonta lagu magacaabo Alex oo ay maamulaan urur samafal ah oo la yiraahdo Mediterranean charity, ayaa barta twitter-ka ku soo qoray in shaqalahooda dul saaran doontaas ay xaalad xun ku sugan yihiin.

“Waa xaalad aan la rumaysan Karin,” ayay tidhi haweeneey afhayeen ah oo la yiraahdo Alessandra Sciurba. “Waxaa jira dad halis ugu jira in ay neeftu ku xiranto oo ay miyir daboolmaan, musquluhuna ma shaqaynayaan. Waxaadba mooddaa in nala afduubtay.”

Dhanka kale, Markab kale oo lagu magacaabo, Alan Kurdi oo ay maamusho hay’ad samafal ah oo Jarmal ah ayaa sabbaynaya biyaha caalamiga ah ee ka baxsan jasiiradda Lampedusa, waxayna siddaan 65 kale oo muhaajiriin ah.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6919 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: