Wararka

Xulka Qaranka Haweenka USA ee kubada cagta ayaa ku guuleystay koobka adduunka 2019…


Ciyaartii kama dambeysta ee finalka koobka adduunka ee kubada cagta Haweenka oo ay ka socotay dalka Faransiiska ayaa maanta lagu kala baxay.

Waxaa finalka isugu soo haray xulalka USA iyo Netherlands, waxaana ku guuleysatay Xulka Qaranka USA iyaga oo ku badiyey 2-0, waxayna aheyd runtii ciyaar xiiso badan oo ay ka soo qeyb galeen madax sida Madaxweynaha Faransiiska, Boqorka Holland, Madaxweynaha FIFA iyo Marti kale oo badan, garoonka lagu ciyaarayey ayaa buux dhaafay, taasi waxay ku tuseysaa dhiiragelinta loo sameeyey tartanka kubada cagta ee Haweenka.

Abaalmarinada inta badan waxaa urusaday Xulka USA.

Netherlands oo qalbijabsan.jpg

USA ayaa u aheyd markii afaraad ee ku guuleysata koobka adduunka ee Haweenka kubada cagta, horey waxay koobka u soo qaaday sanadihii 1991, 1999, 2015 iyo 2019.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8012 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: