Advertisements
Wararka

Xulka Qaranka Masar ee Kubada cagta oo South Afrika ka reebtay koobka Qaramada Afrika…


Qaranka Masar ee Kubada cagta ayaa si la yaab leh u macsalaameeyey koobka Qaramada Afrika wareega 16ka kadib markii ay guuldaro dhadhansiisay Xulka Qaranka South Afrika iyadoo weliba lagu ciyaarayey garoonkooda iyo taageerayaashooda oo looga badiyey 1-0.

Dhinaca kale madaxa xiriirka kubada cagta Masar Hani abu Rida oo iska casilay hogaanka xiriirka, wuxuuna casilay dhamman intii shaqada ku laheyd xulka Qaranka.

Goolka kaliya ee ciyaarta ayaa dhashay daqiiqadii 85aad ka dib markii ay ka heleen kooxda South Arika dulduleelo difaaca Masar.

South Africa ayaa la kulmi doonta wareega sideed dhamaadka Koobka Afrika xulka Nigeria kaasi oo horey uga soo badiyey xulka Cameroon 3-2.

Hani abu Reida.jpg

Madaxweynaha xiriirka kubada cagta ee Masar Hani Abu Rida ayaa ku dhawaaqay inuu is casilay Axada maanta ah, wuxuuna casilay tababarihii xulka Masar oo u dhashay Mexico Javier Aguirre, kadib markii si kadis ah xulka Masar looga saaray tartanka koobka Afrika oo ka socda dalka Masar.

War qoraal ah oo lagu daabacay bogga xiriirka kubada cagta ee Masar ay ku leeyihiin Facebook ayaa lagu sheegay in Eng, Hani abu Rida oo ahaa Madaxweynaha xiriirka kubada cagta Masar uu is casilay, wuxuu sidoo kale ugu baaqay xubnaha guddiga xiriirka kubada cagta ee Masar in ay is casilaan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6919 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: