Wararka

Al-Shabaab oo xukuno dil ah ku fulisey 18 ruux muddo shan maalmood Koonfurta Somalia…


Ururka AL-Shabaab ayaa sii kordhiyay xukunada dilalka ah oo uu ka fulinayo deegaanada uu ka maamulo Koonfurta Somalia iyadoo gelinkii dambe ee Axadii dil lagu fuliyay afar ruux oo ay ka mid ahayd qof dumar ah.

Dilka u dambeeyay oo ka dhacay magaalada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose ayaa lagu fuliyay 3 ruux oo la sheegay inay ka mid ahaayeen ciidamada dowlada iyo qof kale oo lagu eedeeyay inuu fal kufsi ah geystey.

Magacyada dadkii ugu dambeeyay ee lagu diley degmada Jamaame ayaa lagu kala sheegay Sulaymaan Max’med Saciid oo 21 sana jir ahaa,Yariisoow Baaf Cusmaan (Maye) oo 68 jir sana jir ahaa iyo Iqra Cabdi Aadan oo 20 sana jir aheyd.

Sidoo kale waxaa xukun dhagax ku dil ah lagu fuliyay Nuur Bakar Diiroow oo lagu eedeeyay inuu kufsi geystey.

Tirada dadka muddo shan maalmood gudahood ah oo lagu fuliyay xukuno dil ah Koonfurta Somalia ayaa gaartay 18 ruux.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8012 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: