Advertisements
Wararka

Ciidanka ammanka ee Somalia oo fashiliyey gaari qarax ka buuxay Degmada Hodan…


Ciidanka ammaanka dowladda Federalka Somalia ayaa fashiliyay gaari Qarax ka buuxay oo isku dayaayay inuu ka soo gudbo jidcadyaasha carada la dhigay ee Degmada Hodan.

Gaarigaan oo sida la sheegay uu saarnaa ninkii waday ayaa ka gudbi waayay jid la dhigay Caro tuur, waxaana markiiba ku baxay Ciidamada ammaanka, balse ninkii gaariga waday ayaa diiday inuu ka soo dago.

Saraakiisha Ciidamada Booliska ayaa dadka shacabka uga digay inay ka fogaadaan gaarigaasi oo saacad ku dhawaad yaalay meel ku dhaw Isgoyska Digfeer gaar ahaan dhanka Xaafadaha.

Iyadoo Ciidamada ay xireen wadada islamarkaana lagu hareeraysan yahay gaariga oo Ciidanka ay ka fog yihiin ayuu ku qarxay gaarigaasi bartii uu yaalay sida Saraakiisha Booliska ay xaqiijiyeen.

Ka sokow qofkii ku dhex jiray gaariga lama oga khasaaraha kale ee ka dhashay qaraxaasi Baabuur ee Ciidamada ay fashiliyeen.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7569 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: