Advertisements
Wararka

Iska hor imaad dhex maray koox hubeysan iyo ciidamada dowlada oo dad ku dhintay…


Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya iyo Koox hubeysan oo la rumeysan yahay iney Shabaab yihiin, ayaa goordhow ku dagaalamay Kontorol gawaarida lagu baaro oo ku taala aagga Isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Sida wararku sheegayaan, Rag hubeysan oo gaari nooca raaxada watay, ayaa isku dayay iney xoog kaga soo tilaabaan bar Ciidamada ay gaadiidka ku baaraan, iyadoo intaasi kadibna goobta uu ka dhacay dagaal mudo kooban socday, kaasoo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Saraakiil Ciidan iyo goob joogayaal ayaa inoo sheegay in Ciidamada ammaanka ay toogteen laba Shabaab ah, halka mid kale uu baxsaday, waxaana baadi goobaya Ciidamada amaanka ee dowladda Soomaaliya.

Iska hor imaadka oo mudo kooban socday waxaa sidoo kale ku dhintay hal askari oo ka tirsan Ciidanka dowladda, halka mid kalena uu dhaawac ka soo gaaray, kaasoo loola cararay xarumaha Caafimaadka.

Laamaha amaanka ee dowladda Soomaaliya, ayaa baadi goobaya ninka la socday ragga la toogtay, kaasoo baxsaday intii uu dagaalka socday, waxaana maanta heegan buuxa la galiyay hay’adaha amaanka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6919 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: