Dowlada Imaaraadka oo la sheegay in ay kala baxday ciidamo badan dalka Yemen…
Dowlada Imaaraadka carabta ayaa sheegtay in ay dhimi doonto ciidankeeda ku sugan dalka Yemen oo qeybta ka ah isbaheysiga u hogaamiyo Sacuudiga.
Saraakiil ka tirsan Imaaraadka ayaa sheegay in ka bixitaanka ciidankooda ay la baxayaan maadama Yemen ay u joogaan kaliya nabad Ilaalin ayna hada soo hageegeyso xaalada Amni.
Sababaha aan u joogno Yemen waa in aan sugnaa amniga goobaha Muhiimka ah sida magaalada xeebta ah ee Xudeydah iyo xarumaha dowlada.
Waxaa kale oo loo maleynayaa in ay uga baxayaan Yemen in ciidankooda ku sugnaado gacantooda si ay u wajahaan dhibaatada ka soo cusboonaatay khaliijka carabta.
Si kastaba ha ahaatee lama oga sababta ka danbeysa in Imaaraadka uu dhimo Ciidankiisa ka jooga Yemen ee dagaalka kula jira Xuutiyiinta.