Advertisements
Wararka

Dowlada Somalia oo beenisay warar been abuur ahaa oo lagu faafiyey baraha bulshada…


Dowladda Somalia ayaa waxay beenisay inay ka laabatay mowqifkeeda ku aadan murunka badda ee kala dhaxeeya dalka Kenya, iyadoo dhinaca kalana la baari doono ciddii warkaasi suuqa soo gelisay.

Saacadihii ugu dambeeyay ayaa waxay warbaahinta qaybteeda baahisay in Dowladda Federaalka Somalia ay wax ka bedeshay mowqifkeeda ku aadan murunka badda.

C/nuur Maxamed Axmed, Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada Somalia ayaa shaaca ka qaaday inaanay Dowladda Somalia ka noqon mowqifkeeda la xiriira kiiska horyaala Maxkamadda ICJ.

“Waxaan si cad u beeninaynaa wararka been abuurka ee lagu baahiyay qaar kamid ah warbaahinta ee lagu sheegay inuu isbeddelay mowqifka DFS ee qaddiyadda kiiska horyaala Maxkamadda ICJ.” Ayuu yiri Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada.

Agaasimaha ayaa tilmaamay in Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Qaranka uu baaritaan ku samayn doono ciddii ka dambeysay warkan been abuurka ah, waxaana uu yiri “Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa baari doona ilaha wararkan been abuurka ah.”

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6919 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: