Wararka

Dowlada Faransiiska oo ka hadashay gantaalo laga helay xero mucaaradka Libya ku…


Wasaarada Gaashaandhiga ee dalka Faransiiska ayaa arbacada maanta ah sheegtay in gantaalaha Javelin ee laga helay mucaaradka Liibiya ay ahaayeen hub horay Faransiiska uga soo iibsaday Mareykanka.

War saxaafadeed ka soo baxay xukuumada Paris ayaa lagu xaqiijiyay in gantaalahan ay adeegsanayeen cutubyo ka tirsan milatariga Faransiiska ee ku sugan Liibiya.

Wasaarada ayaa intaa raacisay hubkaan in si qaldan ay ku heleen maleeshiyada Jenaraal Khalifa Haftar, balse hada la Burburiyay.

Gantaalahaan ayaa bishii la soo dhaafay waxaa laga helay xero maleeshiyada Haftar ay ku lahaayeen magaalada Gharyan oo Milatariga dowlada Liibiya ay dagaal kula Wareegeen.

Waa markii ugu horeysay oo dowlada Faransiiska ay si rasmi ah shaaca uga qaado in cutubyo milatari ay ka joogan dalka Liibiya tan iyo sanadkii 2016-kii.

Dowlada Faransiiska, Imaaraadka iyo Masar ayaa horay loogu eedeeyay in ay taageeraan Jeneraal Haftar.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8012 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: