Advertisements
Wararka

Madaxa QM u xilsaan baaritaanka dilalka aan sharciga loo marin ayaa ka digtay in ay halis…


Madaxa Qaramada Midoobay u xilsaaran dhanka baaritaanka dilalka aan sharciga loo marin Agnes Callamard iyo Hatice Cengiz, oo ah gabadhii uu guursan rabay Jamal Khashoggi ayaa waxay ka digeen in halis ay ku jirto qiimaha dimuquraadiyada Caalamka.

Waxay tilmaameen in taasi ay dhici doonto hadii madaxda Sacuudiga ay ka badbaadaan in lagula xisaabtamo dilka Jamal sanadkii hore loogu geestay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Kadib xaflad xalay lagu qabtay magaalada London, ayaa wadamada caalamka ay ugu baaqeen in ficil muuqda loo qaado baaritaan lix bil socday oo 19-kii bishii June Qaramada Midoobay Shaacisay.

Waxaan jeclaan lahaa in warbixintan aad isticmaashaan si loola xisaabtamo kuwii dilay Jamal, sidaasi waxaa xarunta dhexe ee hey’ada Amnesty ee magaalada London ka tiri Hatice Cengiz.

Si kastaba ha ahaatee dilkii 2-dii October loogu geestay qunsuliyada Sacuudiga ee magaalada Istanbul ayaa waxaa lagu tuhmayaa in uu ka danbeeyay dhaxal suge Maxamed Bin Salmaan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6919 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: