Advertisements
Wararka

Xukun dil ah oo lagu fuliyey seddax nin oo loo heystay weerarkii lagu qaaday Hotel…


Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saaka xukun dil ah ku fulisay saddexda nin oo loo heystay weerarkii lagu qaaday Hotelka Naasahablood 2 ee Magaalada Muqdisho sanadkii 2017.

Saddexda Nin ee saaka Maxkamadda xukunka dilka ah ku fulisay ayaa kala ahaa Farxaan Maxamed Samatar,C/naasir Dhaqane iyo Abshir Maxamed Xaaji.

Raggan ayaa lagu eedeeyay in ay fuliyeen weerarkii Hotel Naasahablood 2 lagu qaaday 28kii October 2017kii, xilligaas oo ay ku dhinteen dad ka badan 20 qof.

Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada iyo midda sare ee Ciidamada ayaa waxaa ay dil hore ugu xukumeen ragga saaka la toogtay ee lagu helay in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa xukunkan fulisay muddo dheer kaddib iyada oo dhowr jeer dhaleeceyn kala kulantay Hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ee diiddan fulinta xukunnada dilka ah.

Waxana fulinta xukunkan uu ku soo beegmayaa toddobaad kadib markii ururka Al-Shabaab ay toogasho ku fuliyeen illaa 18 ruux oo ay ku eedeeyeen inay ka mid ahaayeen ciidamada dowlada federalka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6919 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: