Wararka

Iskudey Ciidanka Iran ku afduuban lahaayeen markab kuwa saliida qaada oo fasilmay…


Saraakiil Mareykan ah ayaa shaaca ka qaaday in ciidanka gaarka ah ee Iran ee loo yaqaan “iranian revolutionary guard” ay isku dayeen in ay afduubtaan markab saliidda qaada oo laga leeyahay dalka Britain, balse ku guul darreystay.

Arrintan oo ay Iran uga aargudaneysay markab saliid siday oo dowladda Britan kaga xirtay deegaanka Gibraltar maalmo ka hor ayaa guuldarreystay kadib markii markab dagaal oo Ingriisku leeyahay oo lagu magacaabo HMS Montrose oo dabasocday markabka la afduuban rabay uu qoryaha ku foorariyay ciidankii Iran, sidaasna digniin afka ah ku siiyeen.

Markabkan oo ku sugnaa xilligii la afduuban rabay badda Hormuz ayay isku dayeen ciidanka Iran in ay u leexiyaan deked macmal ah oo Iran ku taal, balse laga diiday.

Madaxweynaha Iran ayaa maalinkii shalay sheegay in dowladda Ingriisku ka qoomameyn doonto markabka ay ka xirtay oo ay ku eedeysay in uu saliid u waday dalka Suuriya oo ay cuno-qabateyn saaran tahay.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8012 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: