Wararka

Wasiir Cawad oo sheegay in aanu jirin dowlado dhexdhexaadin ka dhex wada Somalia iyo Kenya…


Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia, Axmed Ciise Cawad ayaa meesha ka saaray in ay jiraan dowlado dhexdhexaadin ka dhex wada dalalka Somalia iyo Kenya.

“Ma jiraan dowlado dhexdhexaadin ka dhex wada Somalia iyo Kenya, oo doonaya in xaaladda ay wada hadal ku dhameeyaan.” Ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia.

Wasiirka oo sii hadlayay ayaa sidoo kale meesha ka saaray in ay socdaan kulamo lagu doonayo in la isugu soo dhaweeyo dowladaha Somalia iyo Kenya.

Wasiirka oo ka soo muuqday warbaahinta ayaa sidoo kale meesha ka saaray in uu wax iska bedelay mowqifkii Dowladda Federaalka Somalia ee murunka xuduuda badda.

Wasiir Cawad ayaa ka dhawaajiyay inaanay Dowladda Federaalka Somalia wax gorgortan ahi ka geli doonin arrinta badda, isla-markaana ay ka dhur-sugayaan go’aanka Maxkamadda Cadaaladda Caalamka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8012 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: