Wararka

Golaha Militariga Sudan ayaa sheegay in ay fashiliyeen iskuday afgembi oo dalkaasi…


Golaha sare ee haya talada dalka Suudaan ayaa waxay sheegeen inay fashiliyeen isku day afgembi oo ka dhici lahaa dalkaasi.

Afhayeen u hadlay milatariga Sudan, Jen. Jamaal Cumar ayaa shaaca ka qaaday in tiro askar ah loo xiray isku dayga afgembi ee ka dhacay Sudan, waxaana shakhsiyaadkaasi kamid ah saraakiil ciidammada katirsaneyd oo howlgab ah iyo kuwo horey uga ka tirsanaa sirddooonka iyo laamaha amniga Sudan.

“Waxaan aragnay dad halis ku ah amniga iyo xasiloonida dalka, kuwaasoo ay kamid yihiin kooxo diiddan waxyaabaha ay doonayaan shacabka” ayuu yiri Jen. Cumar.

Waxaa uu intaas ku daray in isku dayga afgembi looga gollahaa in lagu hor istaago heshiiskii awood qeybsiga ahaa ay dhowaan wada gaareen golaha sare ee militariga iyo Isbaheysiga mucaaradka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (10232 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: