Advertisements
Wararka

Khilaaf ka taagnaa maamulka Gobolka Hiiraan oo ugu dambeyn la sheegay in la soo afjaray…


Khilaafkii ka taagnaa xil ka qaadistii lagu sameeyey guddoomiyihii Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa ugu dambeyn la soo afjaray sida ay sheegayaan Wararka naga soo gaaraya magaalada Belad-weyne.

Waxaa khilaafkan uu sababay in muddo bil ah aysan Shaqeyn xarumaha Maamulka gobolka Hiiraan.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo Maamulka Hirshabeelle iyo siyaasiyiin kale oo ku howlanaa xalinta xiisadaas ayaa ugu dambeyn ku guuleystay in guddoomiyihii Gobolka Hiiraan Dabageed uu ogolaado inuu xilka wareejiyo.

Guddoomiyaha Cusub ee Maamulka gobolka Hiiraan Cali Muxumed Caraale ayaa shalay la wareegay Xarumaha Maamulka, isaga iyo ku-xigeenadiisa kadib wadahadallo maalmahaan ka socday magaalada Belad-weyne.

Sidoo kale, xalay waxaa Belad-weyne kulan ku yeeshay Gudodomiyihii Gobolka Hiiraan ee xilka laga qaaday Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) iyo guddoomiyaha Cusub, iyagoo halkaasi ku dhameeyay waxyaabihii sababay in xilka uu wareejin waayo Yuusuf Dabageed.

Xalinta xiisadaan ayaa waxaa soo dhaweeyey qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool Magalada Beladweyne iyo guud ahaan gobolka Hiiraan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6919 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: