Advertisements
Wararka

M/weyne Trump oo amray in la baaro qorshe Faransiisku ku doonayo in la canshuuro…


Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa amray in la baaro qorshe uu Faransiisku ku doonayo in uu ku canshuuro Shirkadaha Farsamadda casriga ah ama Technology-yadda, baaritaankaan waxaa uu keeni karaa in Mareykanku uu canshuur ku soo rogo faransiiska ama uu saaro culeys kale oo dhanka ganacsiga ah.

“Mareykanku aad ayuu uga walaacsan yahay Canshuurta adeegga casriga ah oo la filayo in ay meel mariyaan Aqalka sare ee Faransiiska taasi oo si aan cadaalad ahayn u beegsaneysa shirkadaha Mareykanka” ayuu yiri Wakiilka Ganacsiga Mareykanka Robert Lighthizer.

Muddo Sanad ah ayaa la siiyay Robert si uu u baaro in qorshaha canshuurta ee Faransiisku uu dhaawici karo shirkadaha Mareykanka.

Wasiirka maaliyadda ee Faransiiska Burno Le Maire ayaa sheegay Bishii March in 3% Canshuur ah oo Faransiisku kusoo rogo Shirkadaha Internet ka ay daqliga dalka kusoo kordhin karto 500 oo million oo Euro sanadkiiba.

Wasaaradda Maaliyadda ee Mareykanka ayaa dhankeeda war ay soo saartay waxay ku sheegtay in adeegyadda uu Faraniisku beegsanayo ay yihiin kuwa shirkadaha Mareykanku ay adduunka ku hogaamiyaan. Canshuurta Cusub iyo hadaladda Mas’uuliyiinta Faranisiikuna ay muujinayaan sinaan la’aan ganacsi.

Wakiilka Ganacsiga ee Mareykanka ayaa sheegay in Madaxweyne Trump uu ku amray in ay si hufan u baaraan waxyeeladda ganacsiga Mareykanka soo gaari karta iyo haddii ay jiraan ujeedooyin gaar ah oo Faransiisku ku beegsanayo Shirkadaha ku horumaray farsamadda casriga ah.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6919 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: