Wararka

Qeybo ka mid ah gantaalaha difaaca Ruushka ee S-400 ayaa gaaray dalka Turkiga…


Qeybtii ugu horeysay ee gantaalaha difaaca Ruushka ee loo yaqaan S-400 ayaa gaaray dalka Turkiga, sida laga soo xigtay wasaarada Difaaca ee Turkiga.

Arrintaan ayaa xoojin doonta khilaafka u dhaxeeya Mareykanka iyo Turkiga oo xubin ka ah isbaheysiga NATO, balse waxay kor u qaadi doontaa xiriirka u dhaxeeya Erdogan iyo Putin.

War saxaafadeed ka soo baxay wasaarada difaaca ayaa lagu sheegay in qeybtii ugu horeysay ee qalabka gantaalahan ay gaareen saldhiga ciidanka cirka Murted ee ku yaal afaafka hore ee caasimada Ankara.

Gantaalahaan ayaa daabulidooda sii socon doonta maalmaha soo Socda.

Marka loo soo dhameystiro qalabeynta gantaalahan ayaa waxaa bilaaban doonta sidii loo bari lahaa adeegsigooda ciidanka amniga Turkiga.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (10146 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: