Advertisements
Wararka

Wararka laga helayo Kismaayo ayaa sheegaya in Wariyeyaal ay ka mid yihiin dadka ku dhintay…


Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ayaa waxay sheegayaan in Wariye Maxamed Sahal (Gacmadheere) uu ka mid yahay tiro dad ah oo ku dhintay weerarkii gelinkii dambe ee maanta ay Shabaabku ku qaadeen Hotel Cas Casey.

Wariyaha oo ahaa wakiil wareedkii Warbaahinta SBC ee Magaalada Kismaayo ayaa waxaa la xaqiijiyay in uu ku dhintay weerarkaasi.

Illaa lix ruux oo kale ayaa la ogyahay in ay ku dhinteen weerarkaasi, kuwaa oo isugu jira aqoonyahano, ganacsato iyo dad kale oo ka shaqaynaayay hay’ado NGO ah.

Ganacsade Arbaco Rukun iyo Deeq Ciise Wabi oo toddobaadyo ka hor ka yimid dalka Mareykanka ayaa sidoo kale la xaqiijiyay in ay ku dhinteen weerarkaasi.

Waa weerarkii ugu horeeyay oo noociisa ah ay Shabaabku ka fuliyaan gudaha Magaalada Kismaayo.

Hodan Naaleeye.jpg

Warar ayaa sheegaya in ay ku geeriyootay Hodan Naaleeye oo laheyd Tv-ga Integration oo dhawaana ka timid dalka Canada.

Weerarkaan ayaa dhanka kale waxaa la sheegay in uu ku dhintay Seyga qabay Haweeneydaan.

Dhanka kale Ciidamada Jubbaland ayaa waxay wadaan dadaalo ay ku doonayaan in ay ku soo afjaraan xubnaha Shabaabka ka tirsan, ee weli ka dhex dagaalamaya dhismaha hotelkaasi.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7569 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: