Advertisements
Wararka

Weerar Ismiidaamin ah oo lagu qaaday Hotel Cas Casey ee magaalada Kismaayo…


Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ayaa waxay sheegayaan in goor dhow weerar ismiidaamin lagu qaaday Hotelka Cas Casey oo ku dhow Aargada Kismaayo, ka dibna ay dabley hubeysan gudaha u galeen hotelka.

Weerarkan ayaa ku bilowday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu dhuftay albaabka hore ee hotelka, waxaana xigay rag hubeysan oo gudaha u galay hotelkaasi.

Hotelkan oo ah mid amnigiisa aad loo ilaaliyo ayaa waxaa deggan qaar ka mid ah murashaxiinta Jubbaland iyo weliba dad qurbajoog ah.

Ciidamada amniga Jubbaland oo gaaray hotelka la weeraray ayaa dagaal ku wajahaya raggii weerarka soo qaaday, waxaana aagga hotelka laga maqlayaa rasaas xoogan iyo bambooyinka gacanta laga tuuro.

Suxufiyiinta ka howlgala Magaalada Kismaayo ayaa waxay soo sheegayaan in xaaladda magaaladu ay tahay mid aad u cakiran, isla-markaana ay ciidamada xireen wadooyinka soo gala hotelkaasi.

Waxaa weerarka sheegatay xarakada al-Shabaab.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6919 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: