Advertisements
Wararka

Boqortooyada Sacuudiga oo soo celisay Markab waday xoolo gaaraya 20 kun neef oo Ari u…


Boqortooyada Sacuudiga ayaa dekadda Magaalada Berbera ku soo celisay Markab waday xoolo Ari u badan oo gaaraya 20 kun oo Neef, kaasoo u rarnaa Ganacsatada wax ka dhoofsada Maamulka Somalliland.

Markabkan oo ku xirtay Dekadda Magaalada Jiddah ayaa lagu amray inuu dib u laabto ka dib markii laga waayey warqadda Caafimaadka xoolaha ee dowladda Federaalka Somalia bixiso.

Wasiirka Xannaanada Xoolaha ee Maamulka Somaliland Xuseen Gaafaandhe ayaa xaqiijiyay in Sacuudiga soo celiyay Markabka u rarnaa Ganacsatada Somaliland, isagoo sheegay in shuruud looga dhigay warqadda Caafimaadka Xoolaha oo ay bixineyso Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dowladda Federaalka Somalia, wuxuuna talaabadan ay qaaday dowlada Sacuudiga ku tilmaamay wax laga xumaado.

Sacuudiga ayaa dhawaan ku wargeliyay Maamulka Somaliland in Maraakiibta Xoolaha ka qaada Dekadda Berbera looga baahan yahay Warqad caafimaad oo ay bixisay Dowladda Federaalka Somalia.

Hase ahaatee Somaliland ayaa arrintaas ku gacan seyrtay iyadoo Ganacsatada Maamulkaas Sacuudiga u dhoofiyeen Markab 20 kun oo Neef oo Ari ah wada, balse Sacuudiga ayaa sida muuqata ku adkeysanaya in warqadaas la helo, waxayna arintan caqabad ku noqotay ganacsatada reer Somaliland ee xoolaha u dhoofiya Sacuudiga oo macaash heli jiray xiligan oo kale ee xajku soo dhow yahay.

Markabka la soo celiyey oo lagu magacaabo MV-FAHAD ayaa ku soo wajahan Dekadda Magaalada Berbera halkaasoo uu ku soo celinayo xoolihii faraha badnaa ee uu ka daabulay.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6919 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: