Advertisements
Wararka

Number-ka 24aad ee Grand Slam-ka oo xalxiraale adag ku noqday Serena Williams…


Maanta waxaa London lagu soo gebagebeeyey tartankii Tenniska ee Hablaha ee Wimbledon oo ay finalka isugu soo hareen Serena Williams oo Mareykan ah iyo Simona Halep oo Romania u dhalatay, waxay kaalimaha adduunka kaga jiraan 11 iyo 7 sida uu magacooda u kala horeeyo.

Isu hambalyeyn.jpg

Serena Williams ayaa u dagaalameysay muddo dheer in ay gaarto koobkii 24aad ee Grand Slam-ka, Waxaad moodaa numbarkan inuu aad ugu adkaaday inay gaarto, balse waxaa mar walba oo finalka timaado araxda gooyey gabdho yar yar oo Tennis-ka hadda caan ku soo noqday, kol hore waxaa US Open ka hor istaagtay hamigeeda gabadha Japanese-ka ee Naomi Osaka, maantana waxaa lugta ka gooysey Simona Halep.

Ciyaarta ayaa socotay 56 daqiiqo oo keliya, waxaana Simona ku badisay 6-2, 6-2. Sidaasina waxay la hoyatay lacag gaareysa 2.35 million Pound.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7569 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: