Advertisements
Wararka

Weerarkii Shabaab ay ku qaadeen Hotelka Cascasey ee Kismaayo oo saaka la soo afjaray…


Xaaladda magaalada Kismaayo ayaa deggan kadib markii la soo afjaray saaka weerar kooxo hubaysan oo ka tirsan Al-shabaab ay shalay galab ku qaadeen Hotel ku yaala magaaladaas, kaasoo khasaare badan geystay.

Masuulyiinta Isbitaalka magaalada Kismaayo ayaa xaqiijiyay inay jiraan maydad gaaraya ilaa 12-ruux oo xalay Isbitaalka lasoo gaarsiiyay kuwaasoo iyagu ku geeriyooday Qarixii Ismiidaaminta ahaa ee Hotelka lagu galay iyo sidoo kale Rasaasta wiiftada ah.

Goobta Hoteelka uu ku yaalo waxaa ku dhow xaafado ay ku nool yihiin dad rayid ah waxaana laga cabsi qabaa inuu sii kordho khasaaraha weerarka.

Gudaha magaalada ayaa wali waxaa illaa xalay laga maqlayay dhawaqa rasaas ay is waydaarsanayeen ragga ka dhex dagaalamayay gudaha Hotelka iyo Ciidamada amaanka Jubaland ee Somalia oo soo afjaray weerarka ugu danbeyn.

Ilaa hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha guud ee weerarka, waxaana illaa hadda dadka qaraxa ku geeriyooday ee la xaqiijiyay ka mid ah Musharax Madaxweynanaha maamulka Jubbaland Maxamed Ismaaciil Shuuriye, Hodan Naleeye Axmed oo ahayd gabar Wariye ahayd oo dhowaan dalka Canada dib uga soo laabatay iyo Saygeedii, sidoo kale waxaa ka mid ah wariye Maxamed Farax Sahal Gacmadheere oo isana kamid ahaa wariyeyaasha TV-ga SBC iyo dad kale.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6919 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: