Advertisements
Wararka

Kenya oo dalbatay in Al-Shabaab lagu daro liiska waxa loogu yeero Argagixisada…


Dowlada Kenya ayaa ka walaacsan qatarta sii kordheysa ee kooxda Al Shabaab iyo weerarada halista ah ee wali ka geesanayaan gudaha Soomaaliya iyo waliba gudaha dalka Kenya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Monica Juma ayaa sheegtay in A Shabaab wali halis ku yihiin nolosha dadka, waxa ayna xustay in weerarkii Kismaayo dad badan tusineyso khatarta kooxdaasi.

Monica Juma ayaa Golaha ammaanka ka dalbatay in kooxda Al Shabaab lagu daro liiska waxa loogu yeero Argagixisada, si loo dhimo awooda sii kordheysa ee kooxdaasi yeelaneyso.

Wasiirka Arimaha Dibadda Kenya ayaa ugu baaqday golaha amaanka in ay si deg deg ah uga hadlaan khatarta muuqata ee kooxda Al Shabaab , waxa ayna xustay in kooxdaasi usoo jeesatay in dadka micno daro u laayaan.

Hadalka kasoo yeeray dowlada Kenya ayaa kusoo aadaya xili Al Shabaab galabtii Jimcahii magaalada Kismaayo ka geesteen weerar xoogan oo dhaliyay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7569 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: