Advertisements
Wararka

Nin dhalinyaro Masri ah oo ku baahiyey Facebook tebin toos ah asaga oo is daldalaya…


Nin dhalinyaro Masri ah ayaa si toos ah ugu baahiyey barta Facebook asaga oo isdaldalaya.

Qaraabada ninka dhalinyarada ah oo la oran jiray Islam Hamouda ayaa u sheegay wargeysyada Masaarida in uu “albaabka qolka xirtay oo saqafka guriga ku xiray xarig, wuxuu shitay sigaar, sidoo kale wuxuu meesha soo dhigtay radio oo ka dhageysaneyey hees iyo muusik, kadibna wuxuu fuulay kursi, wuxuu qoortiisa ku xiray xariga ilaa uu ka dhintay”.

Hamouda (22 sano) ka hor inta uusan is daldalin wuxuu furay tebinta tooska ah ee Facebook, wuxuuna kaamerada telefoonkiisa ku aadiyey xariga daldalaada, kama muuqan wax werwer ah asaga oo u socda inuu isdilo, qoyskiisa ayaa ku soo baraarugay markay maqleen dhawaaqa kursiga oo dhulka ku dhacay.

Ka hor inta uusan isdilin Hamouda ayaa bartiisa ku qoray sababta uu isu dilayo ay tahay in aabihiisa uu si xun ula dhaqmo, wuxuu ugu yeeray saaxiibadiisa in ay cafiyaan. Facebook ayaa markaa kadib wuxuu xiray xisaabta Hamouda.

Qaar ka mid ah saaxiibada ninka isdilay ayaa sheegay in ay arkeen tebinta tooska ah, laakin waxay moodeen kaftan iyo ciyaar ciyaar, laakin waxay la yaabeen marka uu fuulay kursiga oo qoortiisa geliyey xariga asaga oo aan fursad cidina siinin si looga joojiyo.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6919 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: