Wararka

Novak Djokovic oo ku guuleystay Grand Slam-kii 16aad kadib markii uu garaacay Roger Federer…


Ciyaartii kama dambeysta ee Tenniska Ragga ee Wimbledon oo ay isugu soo hareen Novak Djokovic oo Serbia u dhashay kuna jira kaalinta 1aad adduunka iyo Roger Federer oo Swiss u dhashay kuna jira kaalinta 2aad ee adduunka.

Ciyaarta ayaa aheyd mid aan waxba la isu reebin oo aad u adkeyd, waxayna gaartay shan wareeg, waxaa ka qeyb galay dadweyne aad u badan daawashadeeda, waxay socotay muddo ku dhowaad Shan saacadood “4:57”.

Waxay ku dhamaatay 7-6, 6-1, 7-6, 6-4, 13-12

Djokovic winner.jpg

Djokovic (32) oo markii 16aad ku guuleystay maanta Grand Slam-ka, halka Federer (37) uu ku guuleystay 20 jeer Grand Slam-ka.

Waxaa halkaasi guusha ku raacday Novak Djokovic asaga oo la hoyday lacag gaareysa 2.35 million Pound halka Federer horey u qaatay 1.72 million Pound.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7969 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: