Advertisements
Wararka

Al-Shabaab oo ku amray odayaashii soo xulay ergooyinka in ay iska diiwaan geliyaan maamulada…


Bayaan kasoo baxay hoggaanka sare ee Xarkada Al-Shabaab ayaa lagu amray odayashii ergada ee soo xulay baarlamaanka dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Bayaankan oo ku qornaa luuqadaha Soomaaliga iyo English-ka ayaa lagu sheegay in Odayaashu ay ku dheceen “Fal gaalnimo ah”, lagana doonayo in ay ka towbad keenaan ficilka ay ku dheceen.

“Waa inay iska diiwaangeliyaan maamulada wilaayaadka islaamiga ah ee koofurta iyo bartamaha Soomaaliya muddo 45 maalmood ah oo ka bilaabaneysa 15-07-2019 kuna eg 01-09-2019-ka.”ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Al-Shabaab.

Ururka Al-Shabaab ayaa ugu hanjabay in Odeygii ka faa’ideysan waaya baaqa ay marin doonaan shareecada islaamka.

Baaqan ka soo baxay ururka Al-Shabaab ayaa imanaya iyadoo dowlada federalka ay doonayso in doorasho qof iyo cod ah laga qabto dalka Soomaaliya.

Waxaana hore uu ururka Al-Shabaab u diley dad badan oo ka mid ahaa ergooyinkii doortay xildhibaanada baarlamaanka kuwaasoo isugu jiray rag iyo dumarba.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7156 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: