Wararka

Howlgalo ammaanka lagu sugayo kadib qaraxyadii is xigxigay oo ka socda Dhuusamareeb…


Guddaha magaalada Dhuusa-Mareeb saacadihii ugu danbeeyay waxaa ka soconayay howlgalo Ammaanka lagu sugayo kaddib qaraxyadii is xig xigay ee maalintii shalay halkaa ka dhacay.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in howlgaladaa lagu soo qab qabtay dad la tuhusan yahay, balse baaritaanno ay ku socdaan, gaar ahaan labo ruux oo looga shakisan yahay sida ay saraakiishu sheegeen in ay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab.

Saraakiisha Ammaanka ayaa intaa ku daray in saacadihii ay ku guda-jireen howlgallada ay fashiliyeen ilaa laba qarax,sidoo kalena ay wadaan baaritaano kale oo ku aadan sugida amniga iyo sidii looga hortegi lahaa falal amni darro oo ka dhaca Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.

Dhanka kale magaalada Dhuusa-Mareeb waxaa ku sugan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo saraakiil ka socota Wasaaradda Difaaca dalka Qatar, iyada oo ay ku howlan yihiin dhisida Ciidamadii Ahlusunna ee ku biiray Dowladda Federaalka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8012 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: