Wararka

Olole lagu qabqabanayo dadka sharci darada ku jooga gudaha Mareykanka oo bilowday…


Olole lagu baadi goobayo dadka magangalyo doonka ah ee sharci darrada ku jooga gudaha dalka Maraykanka ayaa laga bilaabay gobolada dalka oo dhan Axaddii shalay.

In ka badan 2,000 oo qof oo sharci darro ah ayaa ololahan lagu beegsanayaa kuwaasi oo la filayo in la musaafuriyo.

Ku simaha madaxa hey’adda socdaalka iyo ilaalada xuduudaha ee Maraykanka Matt Albence ayaa sheegay in ay beegsanayaan shaqsiyaad gaar ah oo maxkamadaha ku lahaa balamo la xiriira codsigooda magan galyo doon, kuwaasi oo qaadiyadda maxkamadaha ee arrimaha soo galootigu ay diideen kiiskooda.

Matt Albence, ma uusan bixin wax faahfaahin ah oo ku saabsan dadkaa la soo qabqabanayo iyo sidoo kale tirada dadka ay soo qabteen ilaa hadda.

Waxaa kor u sii kacday cabsida ay qabaan dadka soo galootiga ah ee ku nool magaalooyinka waaweyn ee Mareykanka, kuwaasi oo ay askartu xoog ku galeyso albaabadooda xaafadaha ay ku noolyihiin.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8012 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: