Advertisements
Wararka

Xulalka Qaramada Algeria iyo Senegal oo u soo baxay finalka koobka Qaramada Afrika…


Waxaa xalay la cayaaray kulamadii afar dhamaadka koobka Qaramada Qaarada Afrika ee ka socda wadanka Masar.

Xulka kubada cagta ee Senegal ayaa ayaa la cayaaray Tunisia iyadoo kulankaan uu ahaa kulan aad u adag.

Labada koox ayaa soo bandhigay kulan aad u xamaasadeysan waxaana oo isku dhiib dhiib badan kadib qeybtii hore ay ku soo dhamaatay 0-0.

Marka laga soo laabtay qeybtii nasashada ayaa labada wadan waxay sameeyeen dadaalo badan balse uma saamixin in ay goolal iska dhaliyaan.

Dhamaadkii cayaarta daqiiqadiihii dheeriga ahaa ee lagu daray ayaa xulka Tunisia waxay iska dhaliyeen gool waxaana sabab u ahaa Tunisia D. Bronn.

Dhanka kale waxaa kulmay isla xalay wadamada Nigeria iyo Algeria kadib kulan ka dhacay garoonka Cairo Int’l Stadium.

Markii lagu daray daqiiqadiihii dheeriga ahaa ayaa laad xor ahaa oo loo dhigay xulka Algeria waxaa u dhaliyay goosha guusha xidiga ay ku duulayaan ee Riyad Mahrez.

Cayaarta ayaana ku soo idlaatay sidaas waxaana kulanka kama danbeesta ah wada cayaari doona wadamada Algeria iyo Senegal maalinta Jimcaha.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7164 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: