Advertisements
Wararka

Warshad lagu farsameeyo gawaarida qaaliga ah ee Ferrari iyo Lamborghini oo bug ah oo…


Warshad lagu farsameeyo gawaarida raaxada ee qaaliga ah ee “Ferrari” iyo “Lamborghini” oo been been ah ayaa la qabtay dalka Brazil.

Bilayska Brazil ayaa sheegay in ay xireen xarun warshadeed oo qarsoodi ah koonfurta galbeed ee dalka Brazil oo lagu farsameeyo gawaari loo ekeysiiyey kuwa raaxada ee qaaliga ah.

Bilayska ayaa ku daray in magaalada xeebta ah ee Itajay ay ka jirtay shabakad ka kooban aabe iyo wiilkiisa oo farsameyn jiray si been been ah gawaarida Ferrari iyo Lamborghini.

Baabuurta ayaa waxaa lagu iibin jiray qiyaastii $ 60,000 halkii baabuur iyada oo asalka sicirka uu ka badan yahay 12 jeer lacagtan.

Sida laga soo xigtay bilayska, siddeed baabuur oo markaasi la farsameynayey iyo qalabkii loo isticmaalayey ayaa la qabtay, kadib markii ay ka heleen cabasho shirkadaha Talyaaniga ee leh labadan gaari maarkadooda.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7156 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: