Wararka

Boqorkii hore ee Malaysia oo carshiga uga degay guurka naag Ruush ah oo hadda is furay…


Boqorkii hore ee Malaysia Suldaankii Kelantan, Mohammed V, ayaa furay xaaskiisa boqoradii hore ee quruxda Ruushka, Oksana Voevodina, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.

Wargeyska New Straits Times ayaa sheegay in furitaanka la diiwaan geliyey bilowgii July, iyadoo la sheegay in sawirka dukumintiga furitaanka uu ku faafay baraha bulshada.

Dukumeentiga ayaa sheegaya in uu ku furay seddax dalaaq bishii June 22da.

Boqorkii hore ee Malaysia ayaa si lama filaan ah uga degay carshiga asaga oo ka tanaasulay xilkiisa bishii January ee la soo dhaafay kadib markii uu guursaday boqoradda quruxda ee Ruushka, waana markii ugu horeysay ee boqor ka tanaasula carshiga dalka Malaysia tan iyo markii dalkaasi xuriyada ka qaatay dalka Ingriiska.

Ka tanaasulka Suldaan Maxamed ayaa timid asaga oo labo sano keliya xukunka hayey, iyada oo aheyd inuu hayo muddo shan sano ah.

Malaysia ayaa waxay leedahay nidaam gaar ah oo awood qeybsi ah oo ka dhexeeya sagaal gobol oo mid waliba maamulo Suldaan, mid kasta ayaa qabta carshiga boqortooyada muddo shan sano ah.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7969 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: