Wararka

Ganacsade caan ah oo sixiroole kula taliyey inuu guursado xaaska mid ka mid ah shaqaalihiisa…


Milkiilihii silsiladaha Makhaayadaha Hindiga ee caalamiga ah oo loo yaqaano “Saravana Bhavan”, oo lagu eedeeyay qorshaha dilka shaqaale asaga u shaqeynayey si uu u guursado xaaskiisa ayaa dhintay, sida qareenkiisa sheegay.

P. Rajagopal ayaa ku geeriyooday da’da 71 jir isbitaal ku yaal magaalada Chennai, koonfurta India, sagaal maalmood ka dib markii Maxkamadda Sare ay diidday codsi ah in damaanad lagu sii daay sababo caafimaad dartood.

Rajagopal ayaa wajahayey eedeyn ku saabsaneyd inuu qorsheeyey dilka shaqaale u shaqeynayey si uu u guursado xaaskiisa.

Wuxuu lahaa Makhaayadaha caanka ah ee Saravana Bhavan oo gaaraya 80 makhaayadood oo ku baahsan dunida oo dhan, waxaana ka shaqeeya kumanaan shaqaale ah.

Rajagopal ayaa ku bixiyey wax walba oo uu awoodo inaan lagu ridin xukun sanadkii 2009, laakin racfaankiisa ugu dambeeyey ayaa waxaa diiday maxkamada 9kii July.

Waxaa la sheegay in uu qabay wadne xanuun maalmihii ugu dambeeyey.

Waxaa lagu magacaabaa “King of Dosa”, oo loogu naaneesay cuntada Hindida oo makhaayadiisa caanka ku tahay koonfurta dalka, sidoo kale wuxuu laamo ku leeyahay magaalooyinka Madrid, New york, London iyo Sydney.

Silsilada maqaayadaha.jpg

Waxaa la sheegay taajirkan makhaayadaha ka ganacsada inuu doonayey inuu guursado xaaska mid ka mid ah shaqaalihiisa, asaga oo sidaasi kula taliyey sixiroole.

Haweeneyda ayaa booliska wargalisay, waxayna dacwad ku oogtay Rajagopal sanadkii 2001-dii markii ay weysay ninkeeda kadibna laga helay meydkiisa keyn, booliska ayaa wuxuu xaqiijiyey in ceejo lagu dilay.

Rajagopal ayaa lugaha la galay fadeexad 2003dii kadib markii uu isku dayey inuu laaluusho haweeneyda isla markaana cabsi geliyey qoyskeeda, oo ay ku jirto in la weeraray walaalkeed.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7969 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: