Wararka

M/weynaha Hirshabeelle oo xilka ka qaaday wasiirka Maaliyada oo gacanta midig u ahaa…


Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xilka ka qaaday Wasiirkiisa Maaliyadda oo ka mid ahaa Wasiiradii gacanta midig u ahaa.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Waare ayaa lagu sheegay markii uu tixgeliyay muhiimadda ay leedahay in isbedel iyo dib u habeyn lagu sameynayo nidaamka Maaliyadeed ee Hirshabeelle xilka looga qaaday Maxamed Maxamuud Cabdulle oo ahaa Wasiirka Maaliyadda.

Xilka Wasiirka Maaliyadda ayaa waxaa loo magacaabay C/Shakuur Abuukar Xasan oo ahaa Agaasimihii Madaxtooyada Hirshabeelle.

Wararka qaar ayaa sheegaya in sababaha xilka looga qaaday Mr Maxamed Maxamuud Cabdulle ay la xiriirto xiisaddii muddooyinkii la soo dhaafay ka taagneyd Beledweyne ee ka dhalatay xil ka qaadistii Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed iyo arrimo la xiriira lacagaha canshuuraha oo la isku hayay qaabka loo maamulayo.

Maamulka Hirshabeelle ayaa ka jirta xasillooni la’aan xilalka iyo jaanta rogan xaga maamulka, iyadoo uu ka mid yahay maamulada ugu liita ee aan laheyn hey’addo fuliya adeegyada aas aasiga ah ee bulshada.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8012 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: