Wararka

M/weyne Farmaajo ayaa kala hadlay M/weyne Deni muhiimada ay leedahay wadashaqeynta…


Madaxweynaha Somalia Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khadka telefoonka kula xiriiray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay wadashaqeynta Xukuumadda iyo Dowlad Goboleedyada.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay in Xukuumadda Federaalka Somalia ay si siman dalka u gaarsiinayso dhammaan mashaariicda horumarineed oo lagu jaangoynayo qorsheyaasha heer Qaran iyo heer Dowlad Goboleed ee horumarinta iyo baahinta adeegyada aasaasiga ah.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Somalia ay aad uga xun tahay xubnaha ka tirsan Guddiga Dhismaha Waddada magaalada Boosaaso ee la xiray khamiistii, isagoona u sheegay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland in xubnahaas si shuruud la’aan ah xorriyaddooda dib loogu soo celiyo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xoojiyey in Dowladda Federaalka Somalia ay u taagan tahay ilaalinta mabaadii’da aasaasiga u ah dowladnimada iyo xoojinta nidaamka Federaalka ah oo ku dhisan wadatashi, wadajir iyo qarannimo dhammeystiran.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8012 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: