Advertisements
Wararka

Xulka Qaranka Algeria oo ku guuleystay koobka Qararmada Afrika oo lagu qabtay Masar…


Xulka qaranka Algeria ayaa ku guuleysatay koobka qaramada Afrika 2019 kadib markii ay ka adkaadeen xulka Senegal ciyaartii finalka koobka Afrika oo lagu qabtay garoonka caalamiga ah ee Qaahira ee kubada cagta.

Kooxda Algeria ayaa hal gool uga badisay kooxda Senegal kaasi oo dhaliyey laacibka Bagdad Bo Najah daqiiqadii labaad ee cayaarta, Senegal ayaa ku hungowday in ay iska soo guddo goolka muddada badan oo ciyaarta socotay.

Goolka Bo Najah ee Algeria ayaa ku biiray goolasha ugu waqtiga deg degga badan ee dhasha kulamada finalka ee taariikhda koobka Afrika, sida laacibka Masriga Mohamed Diab Al-Attar oo gool sidaasi oo kale ka dhaliyey kooxda Itoobiya finalka Afrika sanadkii 1957 iyo laacibka Nigeria Patrick Odigambi oo gool ka dhaliyey kooxda Algeria finalkii koobka Afrika sanadkii 1980.

GuushaAlgeria.jpg

Kooxda Algeria ayaa ku guuleysatay horyaalka African Nations Cup 29 sano kadib.

Kooxda Senegal ayaa dadaal badan ku bixisay sidii ay isaga soo guddi laheyd goolkaasi oo la dhaliyey daqiiqadii 2aad ee ciyaarta, iyada oo derbi adag ku noqday difaaca adag ee Algeria.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7156 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: