Advertisements
Wararka

Arday lagu dilay banaanbax ka dhacay maanta magaalada Al-Cubeyd ee dalka Sudan…


Banaanbax ka dhacay magaalada Al-Cubeyd ayaa waxaa lagu dilay shan ruux oo afar ka mid ah ay ahaayeen arday dhigata Dugsiga Sare, sida ay sheegeen Mucaaradka.

Dilalkaan oo dhacay Isniinta maanta ah ayaa imaanaya iyadoo la filayo in maalinta Berito ah la sii ambaqaado wada xaajoodka milatariga iyo mucaaradka ay ku wadaagayaan Awooda.

Ciidanka amniga ayaa rasaas xoogan ku furay dadweyne iyo arday banaanbax ka dhan ah sare ukaca rootiga iyo shidaalka ka dhigayay ismaamulka waqooyiga Kordufaan.

Dallada ay ku mideysan yihiin xirfadyahanada iyo aqoonyahanada sudan oo loo soo gaabiyo (SPA) ayaa sheegay in rasaas nool nool loo adeegsaday Ardayda.

Shacabka Suudaan ayaa tan iyo sanadkii hore waday banaanbax looga soo horjeedo dowlada oo ka dhan maciishada ka hor inta aan xilka laga qaadin bishii April madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7164 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: