Advertisements
Wararka

Booliska dalka Brazil oo laalay dacwad kufsi oo loo heystay laacibka caanka ah Neymar…


Booliska dalka Brazil ayaa shaaca ka qaaday in ay laaleen dacwadda eedeyntii kufsi ee loo haystay ciyaaryahanka caanka ah ee reer Brazil Neymar, sababo la xiriira caddeymo la`aan.

Gabadha lagu magacaabo Najila Trindade Mendes de Souza oo u dhalatay isla dalka Brazil ayaa ku eedeysay Neymar in uu kufsaday.

Kufsiga ayaa la sheegay in uu ka dhacay magaalada Paris, taariikhdu marka ay aheyd 15kii May ee sannadkan, waxaana gabadha “la kufsaday” ay sheegtay in Neymar ay iska barteen barta bulshada ee Instagram-ka, sidaasna uu ugu casuumay magaalada Paris.

Hotelka fitel Paris Arc Du Triomphe ayay sheegtay in ay ku kulmeen, habeen habeenada ka mid ahna uu ku xoogay.

Aabaha dhalay Neymar oo lagu magacaabo Silva Santos oo ka difaacayay wiilkiisa eedeymahan cusub ee soo food-saaray ayaa waxaa uu sheegay in wiilkiisa la shir-qoolay islamarkaana arrinkan uu yahay mid sumcadda looga dilayo.

Waxaa kaloo Aabe Silva uu sheegay in arrintan ay ka dambeeyaan dad doonaya in ay iyaga lacag ka qaadaan, balse ay horay ugu diyaar garoobeen marxaladaha noocaan oo kale ah, haddii ay soo food-saaraan.

Si kastaba, waxaa horay arrin noocaan oo kale ay lasoo gudboonaatay ciyaaryahanka isna caanka ah ee reer Portugal Ronaldo, waxaana gabar Mareykanka daggan ku eedeysay in uu ku kufsaday hotel ku yaal magaalada Las Vegas, waxaana maxkamad kadib la isku afgartay in uu bixiyo magdhow lacageed.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7165 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: