Advertisements
Wararka

Hooyada Madaxweynihii hore ee Sudan Cumar al-Bashir oo khartoum ku geeriyootay…


Waxa ay u baratay Xaajiya Hadia Maxamed Zein oo ah hooyada Madaxweynihii hore ee Sudan Cumar al-Bashir caruurteeda oo ku hareereysan inta nolosheeda aheyd, laakin markii cudurka iyo geerida haleeleen, caruurta wey ka fogaayeen qaar ku jira xabsiga Kober iyo kuwo Sudan ka cararay.

Al-Bashir ayaa had iyo jeer wuxuu xiriir dhow la lahaa hooyadiis, taasi waxaa daliil u ah markuu awooda ku fadhiyey wuxuu barbar taagnaa mar walba hooyadiis, al-Bashir Ilaahay kuma irzaaqin caruur, sidaa darteed hooyadiisa waxay u aheyd adduunka oo dhan.

Xaajiya Hadia ayaa ku geeriyootay Isbitaalka Alia ee militariga, waxayna jirtay 100 sano, caafimaadkeeda ayaa khal khal galey waxayna gashay kooma kadib markii uu dhacay wiilkeeda al-Bashir, laguna xiray asaga iyo walaalkiisa Abdullah xabsiga Kober, halka wiilkeeda Cabaas uu u baxsaday Turkiga.

Mas’uuliyiinta milatariga ayaa u oggolaaday al-Bashir iyo Abdulla iyo soddoggooda Nuur al-Da’im, inay ka baxaan xabsiga si ay meydka ugula tukadaan Masaajidka al-Nour, oo uu al-Bashir ka dhisay xaafada Kober. salaada jinaazada kadib waxaa lagu celiyey xabsiga.

Sida la sheegay Xaajiya Hadiya ayaa saameyn xoog badan ku laheyd wiilkeeda weyn Omar al-Bashir, waxaanna ka dhaxeeyey xiriir aad u wanaagsan oo xoog badan, waxaa intaasi lagu daray in al-Bashir uusan awoodin inuu arki waayo hooydiisa oo aad u jeclaa, wax kasta oo ay tiraahdo wuxuu ahaa wax uu hirgeliyo.

Xaajiyo Hadia ayaa xiriir sokeeya la laheyd dhammaan wiilasheeda sida Cumar, Cabdalla, Cusman oo lagu dilay Koonfur Sudan, cabaas, Maxamed iyo Cali.

Laakiin waxaa la sheegay Cumar in uu xiriir khaas ah kala dhaxeeyey hooyadiis asaga iyo Cabaas oo hadda ku sugan Turkiga.

Mar ay Xaajiyo Hadia wareysi siisay wargeyska Al-Ahram bishii Maarso 27, 2013, ayaa sheegtay in Al-Bashir uu u sheegay inuu ku daalay xukunka oo bes ka tahay, laakiin qoyska ayaa waxay weydiisteen inuu sii wado oo hayo muddo gaaban, waxay is weydiisay xaalka wadanka sida uu noqon doona wiilkeeda Cumar la’aantiisa”.                  انا لله وانا اليه راجعون

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7165 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: