Advertisements
Wararka

Qaar ka mid ah xildhibaanada aqalka Congress-ka oo booqasho ku jooga dalka Ghana…


Ilhan Cumar oo kamid ah Xildhibaanada aqalka Congress-ka dalka Mareykanka ayaa iyada iyo Xildhibaano kale oo Congress-ka katirsan waxa ay booqasho ku joogaan dalka Ghana.

Xildhibaanad Ilhan Cumar ayaa kamid ah wafdi ay hogaamineyso afahayeenka aqalka wakiilada Mareykanka Nancy Pelosi oo booqasho ku joogo dalka Ghana.

Safar Ilhan

Wafdigan ka socda dowlada Mareykanka ayaa dalka Ghana uga qeyb galaya xuska 400 sanno guuradii kasoo wareegtay markii kooxdii ugu horeysay ee dadkii addoonsiga loo watay ay gaareen Maraykanka.

Ilhan Cumar ayaa kamid noqotay Xildhibaanada xiligan ugu saameynta badan Baarlamaanka dalka Mareykanka, waxa ayna Ilhan ku caan baxday hadalada kul kulul ay is dhaafsadaan Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7164 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: