Advertisements
Wararka

AUN Guddoomiyahii Gobolka Banaadir Eng. Yariisow oo u geeriyooday dhaawacii soo gaaray…


Allaha u naxariistee waxaa goor dhow Isbitaalka Hamad ee magaalada Doha ee dalka Qatar ku geeriyooday Guddoomiyihii Gobolka Banaadir iyo Duqii magaalada Muqdisho Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) oo u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax ka dhacay todobaadkii hore Xarunta Gobolka Banaadir.

Guddoomiye Yariisow oo dhaawiciisa ahaa mid culus ayaa khamiistii hore loo qaaday dalka Qatar, iyadoo muddo todobaad ah lala tacaalayay.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Qatar ayaa xaqiijiyay geerida Eng. Yariisow oo muddo todobaad ku jiray xaalad koomo ah oo dhaqaatiirtu la tacaalayeen, waxaana dhaawaca ugu culus uu ahaa dhanka madaxa.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7164 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: