Advertisements
Wararka

Ciidamo daacad u ah Mukhtaar Roobow oo gobolka Bakool kula dagaalamay al-Shabaab…


Wararka ka imanaya gobolka Bakool ee Koonfurta Soomaliya ayaa sheegayaa in saacadihii ugu danbeeyay uu halkaa dagaal culus ku dhaxmaray xoogag taabacsan Mukhtaar Rooboow iyo dagaalamayaasha Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kaddib markii xoogagga taabacsan Wadaadka dowladda u xiran ee Mukhtaar Roobow ay holwgal ka dhan ah Al-Shabaab ka bilaabeen deegaanka Abal iyo tuulooyin kale, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo ilaa iyo hadda aan si rasmi ah loo shaacin khasaaraha ka dhashay.

Guddoomiyaha degmada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool Maxamed Macalin ayaa sheegay in ciidamada Koonfur Galbeed iyo Mukhtaar Rooboow u suurtagashay in ay la wareegaan deegaannadii ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, isla markaana ay bur buriyaan Saldhigyadooda.

Ma jiro Ilaa iyo hadda wax war ah oo dhankooda ka soo baxay oo la xiriira dagaalka la sheegay in uu dhaxmaray iyaga iyo maleeshiyaadka daacada u ah Al-shabaab.

Shabakada Wararka
hagaaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7164 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: