Advertisements
Wararka

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay wasiirka arrimaha dibada Iran Javad Zarif…


Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogtay wasiirka arrimaha dibadda Iran Mohammad Javad Zarif.

Cunaqabateynkan ayaa wuxuu saameynaya dhammaan hantida uu Mr Zariff uu Mareykanka ku leeyahay in la xayiro” ayey tiri wasaaradda maaliyadda.

“Javad Zarif wuxuu meel mariyaa siyaasadaha khatarta leh ee hoggaamiyaha ruuxiga Iran Ayatollah Ali Khamenei” , ayuu yiri wasiirka Maaliyadda Steven Mnuchin.

Mr Zarif wuxuu boggiisa Twitter-ka uu ku qoray inuu Mareykanka uu cunaqabateyn u saaray isaga oo sheegay iney u arkaan mid ay siyaasaddiisu halis ku tahay.

Xiisadda ka dhex aloosan Mareykanka iyo Iran ayaa cirka isku sii shareertay wixi ka dambeeyey marki uu sanadki hore Mareykanka uu ka baxay heshiiski niyukilarka ee 2015-ka la galay ee lagu xakameeynayey barnaamijyada niyukilarka Iran.

Iran ayaa dhawaan sheegtay iney jabineyso waxyaabihi uu heshiiskaasi ka hor istaagayey ayna dib u billaabeyso tayeynta macdinta Yuraaniyamka, oo ay sheegtay iney quwad koronto ka dhalaneyso balse ujeedkeeda guud uu noqon karo bamka Niyukilarka iney sameysato.

Xiisadda isa sii tareyso iyo dhacdooyinka iska soo daba dhacaya ee gacanka ka taagan ayaa laga cabsi qabaa iney horseedaan dagaallo iney ka dhacaan marin biyoodka maraakiibta caalamka Muhiimka u ah.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7164 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: