Advertisements
Wararka

M/weynihii hore ee Somalia oo ku baaqay in la soo qabto kuwii dilay Guddoomiye Yariisow…


Madaxweynihii hore ee Somaliya, Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlay geerida Gudoomiyihii Maamulka Gobolka Banaadir ahaana Duqii Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ku baaqay in kuwii dilay la soo qabto.

Shariif Sheekh Axmed ayaa Madaxda Dowladda Somaliya ugu baaqay in C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) uu helo cadaalad, lana soo qabto kuwii ka dambeeyay qaraxii lagu dilay.

Shariif Sheekh Axmed oo soo saaray qoraal uu dilka Yasiisow kaga hadlayo ayaa marka hore yiri “Umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyska, qaraabada iyo shacabka gobolka Banaadir waxaan uga tacsiyadeynayaa geerida Guddoomiyihii Gobolka ahaana Duqii caasimadda Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow).”

Shariif Sheekh Axmed ayaa yiri “Runtii waa geeri naxdin leh Ilaahayna samir iyo iimaan hanaga siiyo injineerka, isagana janadiisa haka waraabiyo, aanna u wada duceeyno walaalkeen.”

Shariifka ayaa intaa ku daray “Ugu dambeyntiina Dowladda Soomaaliya waxaan ugu baaqayaa in cadaaladda ay horkeento cid walba oo qayb ku lahayd weerarkii 24 July lagu qaadey Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ee lagu dilay qaar ka mid ah Madaxdii Maamulka iyo Shaqaalihii Dowladda Hoose ee Xamar.”

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7165 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: