Advertisements
Wararka

Dowlada iyo mucaaradka hubeysan ee Syria oo gaaray heshiis xabad joojin ah gobolka Idlib…


Dowlada iyo mucaaradka hubeysan ee Suuriya ee ku sugan gobolka Idlib ee waqooyi galbeed ayaa gaaray heshiis xabad joojin ah kadib wadahadal laba cisho socday oo ka dhacay magaalada caasimada ah ee Nur-Sultan ee dalka Kazakhstan.

Diyaaradaha dagaalka Suuriya ayaa Jimcaha wax duqeymo ah geysan, balse iska hor imaad dhexmaray labada dhinac ayaa waxaa ku dhintay hal ruux oo ku sugnaa magaalada Qardaha.

War saxafadeed laga soo saaray gabagabada kulankaan ayaa lagu sheegay in dhinacyadan ay ku heshiiyeen dadaalada lagu hormarinayo Nabada.

Nuqul ka mid ah heshiiska ayaa qeexaya in mucaaradka ay 20 kiilo mitir ay dib uga durgaan furimaha dagaalka, si loo xaqiijiyo heshiiskii magaalada Sochi lagu gaaray bishii September ee sanadkii Hore.

Heshiiska labada dhinac ayaa burburay bishii April ee sanadkaan kadib markii ciidanka daacada u ah Bashar Al-Assad ay weerar ku qaadeen gobolka Idlib.

Weerarkaan ayaa waxaa ku dhintay boqolaal ruux halka 400,000 oo kalena ay ku barakaceen.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7165 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: